AHLUKHEYR

Ahlusunnah Waljaamacah

Dhalashada/Barbaarinta Nabiga

Rasuulka Sallahllahu Calayhi Wasalam

wuxuu dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor , sida Raajixa ah oo loo badan yahay.

Markuu dhashay Xabiibku waxay hooyadiis Aamina bintu Wahab u cid dirtay awowgiis Cabdi-muddalib oo ay ugu bishaareysay dhalashada Nabiga SCW, Cabdi-muddalibna wuxuu ka guddoomay bishaarayntii, wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey, kuna shukriyey.

Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Muxammad kaasoo ahaa magac aan Carabtu la bixi jirin.

Rasuulka SCW waxaa dhowr maalmood nujisey gabadhii la oran jirey Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab,iyadoo horayna u nuujisey adeerkiis Xamsa, hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatu- sacdiyah) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa lagunaanaysi jiray Abuu-kabshe.

 


Add a comment
Read more...

TAARIIKHDA IMAAMU-SHAAFICI.

TAARIIKHDA IMAAMU-SHAAFICI (Allah u Naxariiste)

Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas xaafith al-bayhaqi, ibnu-abiixaatim iyo xaafith ibnu-xajar al-casqalaani dhamaantood alaha unaxariisto ragaas kadib Qofka ku shakiya daraja imaamu shaafici wuxuu lamidyahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay. Taariikhda imaamka waxaan kasoo guuriyay kitaabka layiraah (tawaalii al-taasiis limacaalii muxammad binu-idriis al-shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee layiraahdo (al-xaafith al-kabiir ibnu-xajar al-casqalaani)

Add a comment
Read more...

AL XAAFID JAMAALUDIIN AL ZAYLICI

Barnaamij Tixane ah Oo ku saabsan Taarikhda Culimada Soomaaliyeed

 

Umadda Soomaaliyeed waa umad ku xeel dheer diinta Islaamka sida Taariikh yahanadu sheegeen diinta islaamku                      Waxay soogaartay Dhulka soomalida Hijradii 1aad oo ay asxaabtu usoo hijroodeen   dhulka Xabashida.

Waxaana islaamay boqorkii dhulkaas katalin jiray   Ee la oranjiray (NAJAASHI), xiligaas dhulka xabashida Waxaa kamid ahaa   dhulka Soomaalidu dagto xiligaasna waxay ahayd   8 sano kahor inta uusan Nabigeena suuban [NNKH]  uusan u hijroon magaalada Madiina.

hadaba waxaa   la ogyahay   Soomaalida in aysan kamid ahayn umadaha   seefta lagu muslimayay   Ee markii Diinta Islaamka wanaageeda ay arkeen ayeey qaateen   xiligaas   laga soobilaabo illaa hadda shacabka Soomaaliyeed   waa Umad muslimiin ah 100%   Taasina waxaa usabab ah dadaalkii ay usoogaleen Culumada Soomaaliyeed   fidinta diinta Islaamka Bulshada Soomaalida dhexdeeda   iyo umadaha kale Ee   Muslimiinta ah dhexdooda.

Hadaba waxaan rabaa in aan soogudbiyo mid kamid ah Culumada Soomaaliyeed Ee baal wayn kagalay taariikhda          Muslimiinta waxaana ka mid ah:

AL XAAFID JAMAALUDIIN AL ZAYLICI

MAGACIISA IYO NAYNAASTIISA

 

CABDULLAAHI BIN YUUSUF BIN MUXAMAD   BIN AYUUB BIN MUUSE AL XANAFIYYI ALZAYLICIYYI   Waxaana lagu naynaasaa   JAAMULUDDIIN.


Add a comment

Read more...

Sidee Naarta Looga Badbadaya?"

SIDEE NAARTA LOOGA BADBADAYAA?"

Ka badbaadidda naarta
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwii rumeeyayow ka koriya naftiina iyo qaraabadiinna naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo waxaa kor jooga malaa'ik adag oo xooggan, ma caasiyaan Eebbe wuxuu faray, waxayna falaan wixii la faro) [at-taxriim: 6].

 

Waxaa ku soo arooray tafsiirka aayaddan in Eebbe faray mu'miniinta in ay ka badbaadshaan naftooda iyo qaraabadooda naarta taas oo shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo ayaga oo baranaya arrimaha diinta,
Add a comment
Read more...

Sidee bay ku sugnaanaysaa bisha Ramadaan

Eebbe wuxuu yiri: (Wuxuu Rasuulku idiinla yimaado qaata, wuxuu idinka reebana ka reebtooma, Eebbana ka dhowrsada Eebbe wuu cadaab daranyahaye) [al-Xashr:7]. Nabigeenniina nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu inooga tegay xujo cad oo habeenkeedu maalinteeda oo kale yahay.


Add a comment

Read more...

Axkaamta Soonka

Eebbe wuxuu yiri: (Kuwa "Eebbe iyo Nabiga" rumeeyoow waxaa korkiinna lagu waajibshay soonka sidii loogu waajibshay kuwii idinka horreeyay waxaad mudantihiin in aad dhowrsataane" [al-Baqarah:183].

Nabiguna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri: "Qofkii  sooma Ramadaan
Add a comment

Read more...

Page 1 of 4